Indha-qarshe oo dhaliilay hogaanka Saadka ee ciidanka xooga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamadda xooga, Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay tuutaha milatariga dalka, kaasi oo ay ku labistaan maleyshiyo beeleedyada, taas oo shaki xoogan dhalisay cida bixisay.

Indha-qarshe ayaa ku dhaleeceeyay hogaanka Saadka ee ciidanka xooga in aysan xafidin dareeska, isagoo faray in looga baahan yahay sidii ay ula tacaali lahaayeen arrintaasi.

Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Saadka ayuu si cad u sheegay taliyaha inay la kulmi doonan "ciqaab aad u daran" hadii ay gabaan doorkooda ku aadan ilaalinta dareeska, inkastoo uusan shaacin nooca ay noqoneyso.

“Shacabka makala garanayaa Askariga dowliga ah iyo midka aan ahayn, waxayna ugu yeerayaan labadooda tuugo…Hogaanka saadka ciidanka ayaana dayacay sidii ay wax uga qaban lahaayeen,” ayuu yiri Indha-qarshe.

Dhanka kale, taliyaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu soo hadal-qaaday xanibaad muddo dhowr cisho ah oo Gaadiid xamuul sida lagu sameeyay degmada Afgooye, kuwaasi oo lasii daayay Arbacadii shalay ahayd.

Indha-qarshe ayaa ku tilmaamay shaqsiyaadka is-hor-istaaga ku sameysay Gaadiidka “maleeyshiyaad hubeysa, kuwaasi oo aanan u diiwaan-gishaneen ciidanka xooga dalka Soomaaliya”.

“Tani waxay kamid tahay dhibaatooyinka ka dasha marka dareeska ciidamada uu u gacan-galo raga hubeysan…Qof kasta oo tuutaha ciidanka lagu arko ma ahan Askari dowli ah,” ayuu hadalkiisa daba dhigay.

Hadalka Indha-qarshe ayaa imaanaya xili tan iyo burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo uu gacamaha shacabka ku jiray dareeska ciidanka, inkasta oo ay haatan socdaan dadaalo la doonayo in dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM