Indha-qarshe oo la kulmay Axmed Madoobe [Maxuu kala hadley?]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi [Indha Qarshe], oo gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa kulan la yeeshay Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Kulanka ay wada qaateen labadaan masuul oo ka dhacay Aqalka Martida ee xarun goboleedka Jubadda Hoose, ayna goobjoog ka ahaayeen saraakiil ciidan ayaa looga hadlay arrimo ku xeeran howlgalada ciidamada ay sameynayan.

Illo wareedyo ku dhow labada dhinac, ayaa u dusiyay warsidaha Garowe Online inay isla soo qaadeen madaxda mad-madowga soo kala dhex-galay xiriirka dhinaca milatariga ee dowlada iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Indha-qarshe oo kahor inta uusan la kulmin Axmed Madoobe la hadlay saxaafadda ayaa daboolka ka qaaday in ujeedka socdalkiisa degaanada Jubbaland oo salka ku hayo dardargelinta gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha iyo hogaamiyaha Jubbaland ayaa la sheegay inay isla meel-dhigeen in arrimaha siyaasada aysan saameyn ku yeelan howlgalada ciidamada, ee kooxda Al Shabaab looga “sifaynayo” gobollada Jubbooyinka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada dhinac qodobada ay isla soo qaadeen ay qayb ka tahay booqashooyin uu Taliyaha ciidanka xooga ku tago xerooyin ay milatariga dalka ku leeyihiin daafaha iyo gudaha magaalada Kismaayo.

Bartamaha isbuucaan ayuu qorshuhu yahay inuu Taliye Indha-qarshe uu dib uga soo laabto magaalada Kismaayo, isagoo Muqdisho marka uu yimaado kaga warbixin doona Madaxwayne Farmaajo socdaalkiisa iyo natiijadiisa.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili cilaaqaadka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada dalka uu gaarey heerkii ugu hooseeyay, inkastoo haatan ay socdaan dadaalo lagu xalinayo arrimaha keenay khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 01:12PM

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM