Ingiriiska oo ka hadlay wararka sheegaya inuu maalgeliyay Liyuu Boolis

Image

ADDIS ABABA - Madaxwaynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Omar Maxamed [Cagjar] ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxa Barnaamijka horumarinta Ingiriiska ee dalkaasi, Christian Rogg.

Kulanka labadda mas'uul oo qaatey saacado ayaa diiradda lagu saarey arrimo ku saabsan dib-u-habayn lagu sameeyo dhinaca amniga degaanka iyo waliba bidhaaminta wararka sheegaya inay UK ay taageero maaliyadeed siisay ciidamada Liyuu Boolis.

War qoraal ah oo kulanka kadib ay soo saartay safaarada Britain ee Ethiopia ayaa Afhayeen u hadlay wuxuu tibaaxay inaanu jirin wax taageero ah oo ay horeysay u siiyeen ciidamada degaanka, isaga oo carabka ku dhuftay inaanu haddana qorshaha ugu jirin.

Mashruucii hore looga fuliyay degaanka ayuu xusay inuu salka ku haya arrimo la xiriira dhinac bulshadda, gaar ahaan horumarinta baahiyaha kala duwan ee shacabka, sida waxbarash iyo caafimaad iyo tababarida sharci yaqaano dadka ushaqeeya.

"Mashruuca qaybtiisii loogu talagay dhanka amniga ee degaanka wali lama qabanin. Sidaas darteeda dowladda Ingiriiska marnaba horey uma siinin hadana ma siineyso taageero dhinac kasta ah ciidamada Liyuu Boolis," ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Hadalka safaarada iyo kulanka labadda masuul ayaa imaanaya xili maalmihii udambeeyay la hadalhayey in Ingiriiska uu dhaqaalo ku kaabay ciidamada Liyuu Boolis, kuwaasi oo gawood-falo ka dhanka ah xuquuqda aadanaha geystay.

Cagjar oo balanqaaday inuu arrimahaasi wax ka qabanayo markii xilka loo xushay ayaa isbedalo ku sameeyay hogaanka hay'addaha amaanka DDSI, isagoo ugu baaqay taliyaasha cusub inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaateynaya shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM