Ingiriiska oo Qalab Casri ah ugu deeqay AMISOM [SAWIRRO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, loona yaqaan AMISOM ayaa wuxuu ka gudoomay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Dacid Concar Gadiid dagaal oo gaareysa ilaa iyo 47 xabo.

Baabuurtaan ayaa waxay lacag ahaan gaarayo 5.6 Milyan oo Bound-ka Ingiriiska ah, sida uu ka dhawaajiyay Danjiraha Dowladda Ingiriika u fadhiya Somaliya David Concar, kaasoo madasha wareejinta ka hadlay.

Wuxuu intaas ku daray inay qeyb ka tahay taageeradda ay dowladiisa siineyso AMISOM, taasoo dib loogu soo celinayo xasiloonidda Soomaaliya, isagoona balanqaaday inay sii wadayaan.

Gawaaridan waxaa ay isugu jiraan kuwa lagu qaado sahayda, Gaadiidka Askarta qaada ee dagaaladda loo is-ticmaalo, Booyadaha Biyaha, Baldoosarro, wiishashka lagu qodo ceelasha iyo kuwo kale.

Masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, madasha wareejinta xaadir ku ahaa ayaa ka mahad-celiyay deeqdaan la siiyay.

Owoyesigire, kaasoo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa sheegay inay u adeegsan doonan baabuurtaan adeegyadda muhiimka u ah sida, furista iyo nadiifinta wadooyinka, sahayda iyo waliba shaqooyin kale.

Ugu dambeyn, Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamadda AMISOM qeybta koowaad ee Muqdisho iyo waliba Gobolka Shabeellaha Hoose oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay agabkaan lagu wareejiyay ay kusii dar-dar gelind doonan howlaha horyaala.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageeradda wayn siiyay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo hadda Tobban sano jirsatay, xili waqtigooda Soomaaliya uu gabaabsi yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM