Ingiriiska oo Qalab Casri ah ugu deeqay AMISOM [SAWIRRO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, loona yaqaan AMISOM ayaa wuxuu ka gudoomay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Dacid Concar Gadiid dagaal oo gaareysa ilaa iyo 47 xabo.

Baabuurtaan ayaa waxay lacag ahaan gaarayo 5.6 Milyan oo Bound-ka Ingiriiska ah, sida uu ka dhawaajiyay Danjiraha Dowladda Ingiriika u fadhiya Somaliya David Concar, kaasoo madasha wareejinta ka hadlay.

Wuxuu intaas ku daray inay qeyb ka tahay taageeradda ay dowladiisa siineyso AMISOM, taasoo dib loogu soo celinayo xasiloonidda Soomaaliya, isagoona balanqaaday inay sii wadayaan.

Gawaaridan waxaa ay isugu jiraan kuwa lagu qaado sahayda, Gaadiidka Askarta qaada ee dagaaladda loo is-ticmaalo, Booyadaha Biyaha, Baldoosarro, wiishashka lagu qodo ceelasha iyo kuwo kale.

Masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, madasha wareejinta xaadir ku ahaa ayaa ka mahad-celiyay deeqdaan la siiyay.

Owoyesigire, kaasoo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa sheegay inay u adeegsan doonan baabuurtaan adeegyadda muhiimka u ah sida, furista iyo nadiifinta wadooyinka, sahayda iyo waliba shaqooyin kale.

Ugu dambeyn, Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamadda AMISOM qeybta koowaad ee Muqdisho iyo waliba Gobolka Shabeellaha Hoose oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay agabkaan lagu wareejiyay ay kusii dar-dar gelind doonan howlaha horyaala.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageeradda wayn siiyay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo hadda Tobban sano jirsatay, xili waqtigooda Soomaaliya uu gabaabsi yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM