Injineero Turkish ah oo Muqdisho kaga badbaaday shirqool dil ah

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay Miino ayaa degaanka Garas-baaley, aaga Jamaacadda Shabelle, ee duleedka Muqdisho, waxaa lagu beegsaday kolanyoay la socdeen Injineero Turkish ah.

Mahad Xuseen, kabtan ka tirsan bileyska Soomaaliya, ayaa warsidaha Garowe Online, telefoonka ugu sheegay in mid kamid ah Injineerada iyo laba askar oo ilaalo u ahayd ay ka badbaadeen "shirqoolkaasi".

Saddex ruux ayaa haatan ku jira mid kamid Isbitaaladda caasimadda, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad. "Waxaan u rajeynayaa soo kabasho," ayuu ku daray.

"Sidoo kale meesha uu qaraxu waxay ku dhowdahay agagaarka degaanka Weydow, ee Galbeedka Muqdisho," ayuu Xuseen hadalkiisa ku daray, isaga oo falka ku eedeeyay dagaalameyaasha AlShabaab.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Injineerada ay u socdeen si uu kormeer ugu sameeyo dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho-Afgooye, oo dhowaan si rasmi ah loo bilaabay.

"Warar ayaa sheegaya in ay dhimasho jirto, balse illaa iyo haatan dhankeeda nama aysan soo gaarin," ayuu ku daray, isaga oo aan kala caddeyn nooca ama heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca bukaanadda.

Mashruucaasi oo bishii Febraayo 2019-ka uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa maalgelineysa dowladda Qadar, halka shirka laga leeyahay waddanka Turkiga la siiyey qandaraaska dhismaha.

Bishii May ee isla sanadkan ayey ahayd markii Injineer kale oo u dhashay Turkiga lagu dilay qarax loogu rakibay gaarigiisa oo ka dhacay magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM