Is-ugaarsiga malleeshiyada Roobow iyo Al-Shabaab oo waji cusub yeeshay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Loolan iyo is-ugaarsi weji cusub yeelanaya ayaa kasoo if-baxaya degaano katirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo u dhaxeeya malleeshiyaad taabacsan Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab.

Todobaadkan, malleeshiyada Roobow ayaa sheegtay in ay dishay sarkaal sare, oo magaciisa ku sheegtay Maxamed Xasan Barqab oo uu ahaa Al-Shabaab madax gobleed dhanka Sakawaadka ah.

Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin sheegashadaasi ka timid kooxda Roobow oo ku xoog badan degaanno dhaca duleedka magaaladda Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Ma jiraan illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya warkaasi, iyadoo illaa iyo haatan uusan maamulka Baydhabo ka hadlin dhacdadaasi.

Tuuladaasi waa halkii uu ku sugnaa Mukhtaar muddo laba sano ah tan iyo markii uu kasoo goostay kooxdaasi sanado kahor.

Dagaalo kharaar oo halkaasi uu kula galay xoogagii uu aas-aaskooda kamid ahaa ayaa keentay in uu dabayaqaada sanadkii 2017-kii isku soo dhiibay dowladda.

Isku dayo uu ku doonayo in uu siyaasada ku galo kadib heshiis uu la galay xukuumada ayaa fashilmay waxaana laga mamnuucay in uu ka qeybgalo doorashadda Koonfur Galbeed waana lasoo xiray.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in is-ugaarsigan labada dhinac ka dhex-bilowday uu halis gelin karo amniga gobolka isla markaana uu barakicin karo dadka.

Maleyshiyaadka Roobow oo lagu diyaasiyo tobanaan dagaalameyaal ah kuwaasi oo markii hore kasoo goostay Al-Shabaab lana baxay magaca Caaro-Caaro ayaa waxaa socda dedaalo loogu biirinayo ciidamada xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM