Isbedal lagu sameynayo hanaanka dalacsiinta ciidamada Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Axadii shalay cod-aqlabiyad leh waxay ku meel-mariyeen Sharci khuseeya ciidamada, kaasoo xuquuq siinaya marka ay howlgab noqdaan.

Sharciga oo ay soo diyaarisay wasaarada Gaashaandhiga, islamarkaana Gollaha Wasiiradda soo ansixiyeen 2017, ayaa haatan u baahan kaliya inuu codka kalsoonida ka helo Gollaha Aqalka Sare si uu qalinka ugu jiido Madaxwayne Farmaajo.

Hindisahaan qodobada muhiimka ah ee ku jira, oo uu kamid yahay in Askariga uu howlgab noqonaya marka ay da’diisu noqoto 64-sano jir, taasi oo ay isku raaceen Mudanyaasha kadib dood kulul oo ay ka yeesheen.

Intaasi waxaa dheer, inuu xeerinayo qodob sheegaya isbedal lagu sameynayo hanaanka loo bixiyo darajooyinka iyo waliba dalacsiinta saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee dalka.

Balse, Madaxwaynaha dalka ayaa awood u leh inuu ukordhiyo da'da howl-gabnimada askariga ama sarkaalka inuu la ashqaraaro sida uu waajibaadiisa ugudanayo iyada oo ay intaasi dheer-tahay in wax ka bedal lagu sameyn karo.

Xoghayaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa, ayaa daboolka ka qaaday in sharciga uu dhigayo in la sameeyo Hay’ad ku shaqo ah dalacsiinta iyo saraakiisha ciidamada xooga.

"Way soo dhamaan doontaa sheekadii sida beenta ah loogu qaadan jiray darajooyinka iyo dalacsiinta," ayuu Fadhiga Xildhibaanada kadib u sheegay Warfaa wariyaasha markii su’aallo arrinkaasi la xiriirta la waydiiyay.

Isaga soo hadlay ayuu hoosta ka xariiqay in marka la bixinayo darjooyinka iyo xiliyada la sameynayo dalacsiinta loo eegi doono mudada uu qaranka u adeegayay askariga ama sarkaalka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa ka codsaday xubnaha Aqalka Sare inay si deg deg ah ku meel-mariyaan sharcigaan, oo uuku tilmaamay inuu yahay mid faa’ido badan ay ku qabi doonaan ciidamada qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM