Isbedel lagu sameeyay Taliska Ciidamada Somalia kadib markii la dilay Taliyeyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi [Indha Qarshe], ayaa sameeyay isbedel iyo magacaabid saraakiil, kadib markii Al Shabaab weerar ku dishay Taliyihii guutada 12-ka April iyo ku xigeenkiisa.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Indha Qarshe 26-kii bishan ayaa sidoo kale xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Isbedelkan ayaa yimid markii Al-Shabaab dhawaan qarax miino ku dishay Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale oo uu ku jiro Abaanduulahii guutadan Jen. Cabdi Cali Jamaame.

Dadka darsa arrimaha amniga ayaa qalad ku tilmaamay in labo Jeneraal ay hal gaari iskula safraan iyagoo ka howlgalaya dal amni xumo iyo dagaallo ka jiraan, oo kooxo argagaxiso ku xoog badan yihiin.

Qaraxa ayaa lagula eegtay Kolonyo uu la socdeen Saraakiishan agagaarka deegaanka Dhanaane, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta xilli ay ka yimaadeen dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose, kuna soo jeedeen Muqdisho.

Tan iyo markii la doortey Farmaajo seddex taliye ayaa isku badalay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka mudo hal sano gudahiisa, iyadoo ay muuqato inuu hakad galay howlgalladii Al Shabaab looga saareyay goobaha ay maamusho.

April sanadkii 2017, waxaa Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka somaliya loo magacaabay Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid,

12 October isla sanadkaas ayuu is casilay.

Isla bishaas October, waxaana Taliye cusub loo magacaabay Jen. C/weli Jaamac Gorod oo ka tirsanaa Ciidamadii Cirka.

16-kii August 2018 waxaa Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo xilkan horay u hayay 2013 illaa 2015.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADDA INDHA QARSHE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM