Isbedello waaweyn oo ku socda NISA [Yaa xilka laga qaadey?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbedelllo dhanka hogaanka ah ayaa lagu billaabey Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA], xilli uu jiro fashil dhanka amniga ah iyo khilaaf hareeyay hogaankeeda sare.

Taliyihii Nabad Sugida gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan, oo loo yaqaano [Saadaq John], ayaa laga qaadey xilkaasi, isagoo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska isla gobolka Banaadir.

Saadiq ayaa waxay aad isugu dhowaayeen Ra’isal Wasaare Khayre iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Saadaq John, ayaa sida uu fahansan yahay Garowe Online, khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Taliyaha NISA, Xuseen Cismaan Xuseen [Uurkuus], kaasoo dhawaan shaqa joojin ku sameeyay labadiisa ku xigeen, sidoo kale ay is-khilaafeen.

Saadaq Cumar Xasan [Saadaq John]

Sidoo kale, Jeneraal Axmed Xasan Maalin, oo hayay xilka loo dhiibay Saadaq John, ee Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Taraafikada Muqdisho.

Magacaabistan iyo Isbedellada ayaa sugaya inuu ansixiyo Madaxweyne Farmaajo, mana jirto illaa hadda cid katirsan Xukuumadda Xasan Cali Khayre oo ka hadashay tallaabadan.

Isbedelkan ayaa la sheegay in uu ka yimid dhanka madaxda sare ee dowladda Federaalka, oo doonaya inay yareeyaan awoodda NISA, islamarkaana ay howsha Hay'addan kusoo koobaan arrimaha Sirdoonka, waxaana laga qaadayaa hubka culus ee ay adeesato.

Ciidamada Booliska ayaa la siiyo awood dheeraad ah, iyadoo Shirkii Gollaha Wasiirada Khamiistii lasoo dhaafay looga dhawaaqay in amniga lagu wareejiyay Booliska, iyadoo lagu soo biiriyay guutada 14-ka October oo horey uga mid ahaa Milateriga.

Arintan ayaa ka dambeysay markii Ciidamadii xasilinta oo laga maamulayay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay ku fashilmeen amniga, islamarkaan uu yimid shaki keenay in saraakiil iyo Askar kamid ah Ciidamada loo xiro inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Labo weerar oo maalmo u dhaxeeyay ayay Al-Shabaab ka fulisay afaafka Villa Soomaaliya, kuwaasoo midkooda lala damacsanaa Madaxweyne Farmaajo, oo 14-kii bishan wadadii uu maray waxyar kadib ay ka dhaceen labo qarax oo culus iyo weerar toos ah.

Weerarada ayaa dhacay xilli ay wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, islamarkaana ay adkayd hooyo umul ah oo Isbitaal loo wado inay ka gudubto, iyadoo sidaasi tahay xaaladda ayaa rag katirsan Al-Shabaab oo wata baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ay toos taabtaan derbiga Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM