Iska hor-imaad lagu dilay qaar kamid ah ilaaladda Qoorqoor

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad maanta oo Talaado ah ka dhacay Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay ilaalada madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] iyo cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degaanadaas.

Illo degaanka ah ayaa sheegay dagaalka uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga, halkaasoo Qoorqoor uu kormeer aan lasii shaacin uu ku tegay.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay isku dhacaas, oo madaxtooyaddu aysan wali ka hadlin.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in askarta dhimatay ay kamid ahaayeen ilaaladda gaarka ah ee madaxweyne Qoorqoor.

Ma cadda sababta keentay iska hor-imaadka oo kusoo hagaagay xili kolanyadda Qoorqoor ay ka gudbeysay albaabka xerada. Saraakiisha waxay sheegeen in ay baarayaan.

Qoorqoor ayaa u tegay xerada si uu uga dhegax dhigo Madaxtooyada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

Warbixino soo baxaya ayaa tibaaxaya in uu muran ka taagan yahay in xeradda loo bedelo Madaxtooyo, iyaddoo aan lasii qorsheyn halka ay ciidamadda u wareegi doonan kadib dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM