Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Image
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

LAASCAANOOD, SSC-Khaatumo - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa waxa uu isku-shaandheyn iyo Magacaabis ku sameeyay Golaha Xukuummadda.

1. Waxaa Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 

2. Waxaa Dr. Xilldhibaan Yuusuf Sulaymaan Sancad loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

3. Waxaa Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda 

4. Waxaa Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga 

5. Waxaa Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6. Waxaa Dr. Jaamac Maxamed Mursal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha 

7. Waxaa General Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka 

8. Waxaa Xilldhibaan Cali Warsame Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda  Biyaha iyo Tamarta 

9. Waxaa Axmed Cabdirisaaq Diiriye loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 

10. Waxaa Xilldhibaan Daahir Cabdirisaaq Axmed loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga 

11. Waxaa Xilldhibaan Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka 

12. Waxaa Marwo Suhuur Faysal Barre loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka 

13. Waxaa Xilldhibaan Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha


GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM