Ismaaciil Geelle oo qaabilay hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo

Image
Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyin kala duwan waxa uu maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jabuuti.

GAROWE, Puntland - Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyaha ayaa si weyn uga mahadceliyey Soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo Dawladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen weftiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa Sidoo kale bogaadiyay Doorka Dowladda Jibuuti ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey booqashada Hoggaamiyaha iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecelyahay dhammaan dadka Soomaliyeed.

Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibuuti uga warbixiyay Xaaladda Guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannada SSC-Khaatumo, maamul dhiska, iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM