Itoobiya oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA - Todobaad ama wax ka yar kadib markii ay dowladda Soomaaliya eedeymo Itoobiya u soo jeedisay oo la xiriirta hubka soo galay gudaha dalka, ee lagu qabtay Caabduwaaq duleedka, Itoobiya ayaa arrintaas ka jawaabtay.

Jimcihii, Afhayeenka Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa soo saaray bayaan ku qornaa luqadaha Ingiriisiga iyo Soomaaliga oo ay ku muujinayaan “walaac qoto dheer” oo ku aaddan hubka ku sii badanaya gobolka.

“Waa in hoosta laga xariiqaa in Itoobiya ay aad uga walaacsan tahay ka ganacsiga hubka fudud ee Geeska Afrika ku baahay. Maadaama gobolka ay caqabad ku yihiin colaadaha socda, xeebaha aan la xakameynin iyo sidoo kale xuduudaha aan la sugin amnigooda, waxaa lama huraan ah in dalalka gobolka ay isku duba ridaan dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka dambiyada noocaas ah,” ayuu afhayeenku ku yiri hadal uu soo saaray.

Ku dhawaad ​​10 maalmood ka hor ayay aheyd markii Maleeshiyo sugan Bartamaha Soomaaliya ay dhexda u galeen Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Qaranka Soomaaliya xilli ay wateen Labo Gaari oo hub ah oo isugu jira Qoryaha Dhashiikaha iyo Qoryaha RPG oo aan la ogeyn halka loo waday iyoC Cida Itoobiya kasoo iibsatay.

Inta la xaqiijiyay 10-askari oo ka tirsan Ciidamada Sirdoonka qaranka Soomaaliya oo mid kamid ah uu ahaa sarkaal sare ayaa ku dhintay iska horimaad dhex maray ciidamada iyo Malleeshiyo beeleedka oo markii dambe u suuragashay in ay hubka la wareegaan.

Itoobiya ayaa eedeynta Dowladda Soomaaliya ku tilmaantay daansaansi.

Warqad ka soo baxday xafiiska afhayeenka ayaa lagu yiri "Itoobiya waxay jeclaan lahayd inay ku celiso adkaysigeeda la dagaalanka argagixisada iyo faafitaanka sharci darrada ah ee hubka fudud, iyo walxaha qarxa."

Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya waxa uu xumaaday ka dib markii dalkii hore iyo Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah January 1, 2024 kaasoo Addis Ababa ku helay 20KM bad ah.

Marka la dhamaystiro heshiiska In Itoobiya la siiyo dhul xeebeedka, waxay Addis Ababa aqoonsan doontaa Somaliland, oo ah Gobolka katirsan dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM