Jabuuti oo aad uga xumaatay hadal kasoo yeeray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Jabuuti ayaa ka xumaatay baaqii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahii Farmaajo u jeediyay Gollaha Amaanka ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabeynta saaran tan iyo 2009.

Madaxweyne Farmaajo ka dhawaajiyay intii uu ku sugnaa dalka Eritrea oo uu ku tegay todobaadkan booqasho Saddex cisho qaadatey, isagoo magaalada Asmara kula soo galay heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka labada dal oo mudo 15 sano maqnaa.

Cunaqabaynta ayaa waxaa Eritrea kadib markii lagu eedeeyay inay xasilooni darro ka abuureyso dalalka gobolka iyo inay taageero siiso kooxaha ka dagaalama Soomaaliya, oo ay ku jirto Al-Shabaab.

"Dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda waxay aad uga naxeen hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu kuu guda jiray booqashadiisii Asmara, kaasoo uu Qaramada Midoobey ugu baaqay inay qaado cunaqabateynta saaran Eritrea tan iyo 2009, taasoo loogu soo rogay inay xasilooni darro ku abuureyso dalalka deriska la ah, taageerada ay siiso kooxda argagaxisada Al-Shabaab iyo muranka dhuleed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Jabuuti," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Jabuuti ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u madaxbanaan tahay inay xiriir diblumaasiyadeed ay la yeelato dalalka gobolka, laakiin waxay ay ka xumaatay in Farmaajo uu “kala safto dal jabuuti dhul ka haysta”.

"Shaki kuma jiro, Soomaaliya waa dal madaxbanaan, oo xaq u leh inuu xiriir diblomaasiyasadeed la sameeyo dalalka gobolka, balse waa wax aan la aqbali karin inaan aragno walaalaheena Soomaaliya oo taageeraya Eritrea oo xoog ku haysata dhul ay leedahay jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena dafiraysa inay hayso maxaabiis u dhashay Jabuuti," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Jabuuti ayaa tilmaantay inay haboonaan lahayd in Madaxweynaha dalka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu khudbadiisii uu ka jeediyay Asmara uu kaliya kaga hadlo muranka u dhaxeeya labada wadan islamarkaana ugu baaqo madaxdooda inay qaab nabadeed ku dhameeyaan.

Jabuuti ayaa daboolka ka qaadey in Soomaaliya ay si indha la'aan ah u taageertay Eritrea islamarkaana ay si cad ugu noqotay afhayeen u dooda sidii xayiraadda looga qaadi lahaa, iyadoo aan loo ciqaabin dhibaatooyinka ay gobolka ka sameysay.

Ugu dambeyn, Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqday in marnaba aysan u dulqaadan doonin hadallada aan "naxariista" lahayn iyadoo Ciidamada Jabuuti ay naftooda u hurayaan sidii ay u difaaci lahaayeen nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM