Jabuuti: Xalka xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya waa inuu mid tanaasulo

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkan ka dhawaajiyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa meesha ka saaray in mirodhanli doonto dhexdhexaadinta Turkiga ku doonayo inuu ku qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiisada ayaa salka ku haysa heshiiska maamulka Somaliland uu Saldhigga Ciidammada Badda aagga Badda Cas ka siisey Itoobiya kadib heshiiskii ay kala saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Ankara ayaa Isniintii martigelisay shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga; Hakan Fidan, Soomaaliya; Ahmed Moallem Faki, Ethiopia; Tai Atseki Selassie, kaasoo ah wareegii labaad ee wada xaajoodka uu dhexdhexaadinayey Turkiga, si loo soo afjaro khilaafaadka labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika.

Wasiir Cali Yuusuf waxa uu wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa taabiyay in xalka uu ku jiro labada dal midkood uu ka tanaasulo mid kamid ah arrimaha sida weyn la isugu hayo.

"Waxaan isku-daynay in aan wadahadal u qabno Soomaaliya iyo Itoobiya balse ma dhicin mana sheegayo sababta. Turkiga isagana kuma guuleysan doono. Xalka waxa uu ku jiraa in labada dal midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa," ayuu xusay.

Bishii January ee ina dhaaftay ayay ahayd markii maamulkii gooni u goosadka ahaa ee Somaliland uu heshiis is-afgarad ah la saxeexday Itoobiya kaasoo ay xukuuamadda Muqdisho diiday. 

Sikastaba ha ahataee, Somaliland ayaa waxa ay ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii in ay u taagan tahay gooni--u-goosad balse beesha caalamku may aqoonsan iyaga oo wali u arka maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM