Jadwalka iyo maalinta doorashada Jubbaland oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqey Jadwalka iyo maalinta coddeynta madaxda cusub ee maamulkaasi.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saarey ayaa lagu shaaciyey in berri oo ay taariikhdu tahay 5-ta July la isugu yeeri doono Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanadda cusub.

Sidda ku xusan bayaanka, 16-ka bishan ayaa lasoo gudbin doonaa liiska saxda ah ee mudanayaasha cusub ee kasoo muuqan doono Golaha Wakiiladda Jubbaland.

Isla maalintaasi waxaa uu guddigu ic-laamiyey in ay si rasmi ah u bilaabaneyso diiwaan-gelinta murashaxiinta, kuwaasi illaa iyo haatan aanan kala caddeyn karin tiradooda.

Shaacinta iyo dhaarinta xubnaha cusub ee xeer-dejinta ayaa waxaa loo muddeeyay in si rasmi ah loosoo bandhigo 7-da bisha August ee sanadkan 2019-ka, sidda ku cad qoraalka.

Guddiga ayaa daboolka ka qaadey in uu diiwaan-gelinta murashaxiinta gudoonka baarlamaanka ay bilaaban doono 14-ka bisha Agugust ee sanakdan 2019.

Tartameyaasha xilalkaasi ayaa waxay la hadli doonaa Xildhibaanada cusub 17-ka bisha Agusut, xili doorashadda gudoonka ay qabsoomeyso maalinta xigta oo ah 18-ka August.

Murashaxiinta jagada madaxweynaha ayaa waxay baarlamaanka la hadli doonan laba maalin kadib, oo ah 20-ka August 2019, iyaga oo soo bandhigaya barnaamijkooda siyaaasadeed.

Ugu dambeyntii, doorashadda ayaa waxay qabsoomeysaa 24-ka bisha August 2019, halkaasi oo lagu dooran doono hogaamiyaha cusub ee Jubbaland, afarta sano ee soo aadan.

WAR-SAXAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM