Shirka Baarlamaanada Soomaaliya oo furmay

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Talaado ah ka furay magaalada Baydhabo Shir ay isagu imaanayaa Gudoonada Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka.

Kulankan oo socon doono mudo saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya gudoomiyaasha baaralamaanada shanta maamul goboleed ee ka jira dalka iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo ay wehliyeen ku xigeenkiisa 2aad iyo xildhibaanno.

Ajandaha Shirkan oo wali si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo midka Federaalka ah.

Gab-gabada shirka, waxaa la filayaa in gudoonada Gollayaasha Sharci-dejinta dalka ay soo saaraan war-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku fahfaahin doonaan waxyaabaha ay kawada hadleen.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan ka qeybgalaynin Shirka ka socda Baydhabo, kadib markii uu bartamihii bishan uu soo saarey qoraal uu kaga soo horjeedo, kaasi oo uu u diray Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM