Jawaari oo dib ugu laabtay howshiisii, shaaciyayna Ajandaha Kulanka Sabtida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dib u billaabey shaqadiisa, kadib markii Xildhibaanno ay sheegeen inuu burburey Mooshinkii isaga laga keenay.

Jawaari ayaa shir gudoomiyay galabta Kulanka guddiga Ganacsiga ee Gollaha Shacabka, isagoo ku dhawaaqay in ajandaha fadhiga sabtida uu yahay derbiga Kenya ay ka dhisayso magaalada Balad-Xaawo, ee gobolka Gedo.

Kulanka gudiiga joogtada ah ayaa yimid kadib markii Xildhibaano gaaraya 120 ay xalay shaaciyeen inuu burburey Mooshinkii kalsoonid kala noqashada ee ka dhanka ah Jawaari, kaasi oo waqtigii loogu tala-galay oo ku beegnayda 28-ka bishan ka gudbay.

Xildhibaanada Mucaaradka ee uu hormuudka u yahay Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ayaa dhawaan sheegay in maalinta sabtida ah ee soo socota 31-da Maarso ay qaban doonaan Kulanka codka loogu qaadayo Mooshinka.

Kala qeybsanaanta Xildhibaanada ayaa sii fogaanaysa, iyadoo Khilaafka Siyaasadeed ee uu taagana gaarey meeshii ugu sareysay, kadib markii uu Guddiga xalinta Khilaafka ee Aqalka Sare u maari-waayay, oo shaaciyay inuu joojiyay waanwaantii uu wadey.

Xubnaha Gudiga Aqalka Sare ayaa ku kala qeybsamey xalinta Khilaafka Gollaha Shacabka, waxaana saddex kamid ah ay ku dhawaaqeen inay iska casileen xubin-nimada. Halkan ka akhri.

Labo ajande oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo Arinta Balad-Xaawo ayaa ku balansan fadhiga sabtida, iyadoo aan la ogeyn labada ajande midka looga doodi doono, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo gaar ah Xukuumadda geysay xarunta Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM