​Jawaari oo la kulmay Michael Keating iyo safiirro

Image

MUQDISHU- Guddoomiyaha Barlamanka Federalka Soomaliya ayaa magalada Muqdishu kulan kula qaadatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Michael Keating, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan doorashada iyo xaaladda guud ee waddanka.

Labada mas'uul ayaa intii kulanku u socda si dheer u lafo guray kaalinta beesha caalamka iyo mas'uuliyadda saaran Xildhibaanada, waxayna isku afgarteen in laga wada shaqeeyo sidii dalka doorasho xalaal ah uga dhici lahayd.

Dhinaca kale Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta Villa Hargaysa ee Barlamanka Soomaliya fadhiga u ah, kula kulmay safirro kasocda qaar kamid ah waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, geedi socodka hannaanka Federaal, amniga iyo Dastuurka.

Shirkan oo maanta qabsoomay, ayaa mas'uuliyiintu kaga hadleen sidii loo taageeri lahaa dalka Soomaaliya islarkaana kaalin looga gaysan lahaa dhinacyada baahida weyni ku jirto, waxaana Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya soo jeediyay in dhaqso  loogu howl galo qaabkii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah.

Safiirrada jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay codsiga Jawaari, waxayna sheegeen inay gaarsiin doonaan dalabkaasi dalalka ay matalaan.

Shirkan, ayaa kusoo beegmay xilli xalay war-murtiyeed laga soo saaray shirka madasha watashiga qaran ee kasocday caasumadda Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM