Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay "in Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka". 

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama.

Sidoo kale, waxaa xaadir ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Sikastaba ha ahaatee, jawiga kulanka ayaa waxa uu maanta ahaa furitaan mana jirin ajenda waaweyn iyadda oo madaxda ay u balansan yihiin in ay caawa ka doodaan qodobada ugu miisaanka culus ee doodaha culus ka taagan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM