Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo laga saarey liiska xubnaha NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay'addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu dhawaan siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hogaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqeynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay'adda, ayuu carabka ku dhuftay hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee Dowladda Federaalka, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in go'aanka Cabadalla Cabdalla looga saarey Hay'adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay, sida hadalka loo dhigay, qaladaadkii uu wareysiga ku galay.

Si gaar ah waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xubinnimadiisa Hay'adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay'adda NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyihiin gudaha Hay'addaan xubno, kuwaasoo si dhow ula shaqeeya, una gudbiyay xogta dowladda.

Cabadalla oo jagadda Taliye ku xigeenka koowaad ee NISA hayey Lixdii sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa xilka ka qaaday todobaadyo kahor Madaxwayne Farmaajo, kahor inta uusan shaqo joojin ku sameynin Taliyaha NISA.

Waxaa lagu bedelay Cabdalla Fahad Yaasiin, oo horey u ahaa Agaasiimaha Madaxtooyadda [Villa Somalia], kasoo kamid ah shaqsiyaadka saameynta ku dhex-leh dowladda Federaalka, sidoo kalena xiriir dhaw kala dhaxeeya dowladda Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM