Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo laga saarey liiska xubnaha NISA

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay'addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu dhawaan siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hogaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqeynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay'adda, ayuu carabka ku dhuftay hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee Dowladda Federaalka, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in go'aanka Cabadalla Cabdalla looga saarey Hay'adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay, sida hadalka loo dhigay, qaladaadkii uu wareysiga ku galay.

Si gaar ah waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xubinnimadiisa Hay'adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay'adda NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyihiin gudaha Hay'addaan xubno, kuwaasoo si dhow ula shaqeeya, una gudbiyay xogta dowladda.

Cabadalla oo jagadda Taliye ku xigeenka koowaad ee NISA hayey Lixdii sano ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa xilka ka qaaday todobaadyo kahor Madaxwayne Farmaajo, kahor inta uusan shaqo joojin ku sameynin Taliyaha NISA.

Waxaa lagu bedelay Cabdalla Fahad Yaasiin, oo horey u ahaa Agaasiimaha Madaxtooyadda [Villa Somalia], kasoo kamid ah shaqsiyaadka saameynta ku dhex-leh dowladda Federaalka, sidoo kalena xiriir dhaw kala dhaxeeya dowladda Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM