Jowhar Lagama mamnuucin Indho-shareerka

Image

Ku simaha guddoomiyaha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeeray agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu yahay mid aan waxba ka jirin oo uusan maamulka ka warqabin, islamarkaasna uu arrintaasi ka raalli gelinayso guud ahaan shacabka gobolka Shabeellaha dhexe.

Ku simaha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay in mas’uulkaasi uu sheego go’aan uusan maamulka gaarin.

Shalay ayey ahayd markii agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu VOA u sheegay in maamulku uu mamnuucay in haweenku ay xirtaan indho-shareerka iyo sidoo kale in habeenkii aysan socon karin mootooyinka loo yaqaano bajaajta

Dhinaca kale wasiirka arrimaha Diinta dowlada Federaalka ayaa beeniyey hadal dhowaan kasoo yeeray agaasimaha guud ee wasaarada kadib markii uu sheegey in la mamnuucey xuska iyo xafladeynta sanadka cusub iyo dhalshada Nabi Ciise.

Dhageyso wareysiga ku-simaha gudoomiyaha oo la hadley VOA

VOA+GAROWE Online

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM