Jowhar oo laga daahfuray mashruuc waxtar u leh 300-kun beeraleey ah

Image
Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya.

JOWHAR, HirShabelle - Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa si rasmi ah maanta looga daah-furay mashruuca biyo xireenka Sabuun-FAO oo waxtar u leh in ka badan 300-kun oo beeraleey ah.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeen Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya.

Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha.

“Mashruuca Sabuun-FAO oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah waxaan hubbaa in kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay ku-simaha Ra’iisulwasaaraha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM