Jubaland oo bilowday dadaalo lagu qaboojinayo colaada Luuq

Image
Shirkan ayaa hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada Luuq.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah Nabadaynta Beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay laqaateen odayaaha dhaqanka Degmada Luuq .

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdi uu oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbedalka Cimilada XfS Ahmed Cumar Maxamed wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo shaqaalaha Xfs Cismaan Libaax xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaala ah oo dirir dhexmartay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ee ku nool Degmada Luuq

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo Nabada islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee dirirty dhex martay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM