Jubaland oo diidey muddo kororsi kuna dhawaaqdey doorasho dadban

Image
Maamulka Xasan Sheekh ayay ku eedeysay inuu doonayo firaaq dastuuri ah iyo kooxda AS oo aan laga adkaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubbaland ayaa ku dhawaaqday markii ugu horeysay si cad u sheegtay in aysan mudo kororsi ogoleyn, doorashadeeda qabanayso, waxayna u jeedisay dhinaca Madaxda dowladda federaalka eedo waa weyn oo ay kamid yihiin in ay doonayso in Firaaq dastuuri ah la abuuro.

Eedeymaha waxaa kamid ah in maamulka Xasan Sheekh uu doonayo dagaalka Argagixisada aan lagu guuleysan, kala aragti duwanaanshahana aysan dooneyn in wada hadal lagu xaliyo.

Warsaxaafadeed oo soo baxay saacado hor hor ayaa waxaa lagu cadeeyey mawqifka maamulkaas ee la xariira arrimaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya hor istaagtay qabashada doorashooyinka DXDFS, taas oo horseedi karta in dalka uu galo xaalad hubanti la,aan ah. DFS ay diidey soo jeedintii Jubbaland ee ahayd in la raadiyo saamileyda maqan sida PUNTLAND IYO SSC si loo gaaro talo loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Jubbaland ayaa sheegtay in aysan doorashadeeda dib u dhigeyn oo ay u qabsoon doonto, si lamid ah August 2019kii oo aysan dib u dhac aqbaleyn, maadaama lagu fashilmay qabashada doorashooyin mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM