Jubaland oo hakisay ka qeybgalka shirarka deyn cafinta Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ku dhawaaqay in uu joojiyey ka qeybgalka shirarka looga hadlayo arrimaha maaliyada iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay shaacisay mowqifkaas.

Talaabadan oo kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka xukuumada federaalka iyo maamulkan uu xoogeystay ayaa dharbaaxo ku noqon karta geedi u socodka oo u baahan in loo wada dhan yahay.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, go'aanka ayaa salka ku haya ciidamada dowladdu geysay gobolka Gedo, cunaqabateynta hawada iyo wadashaqeynta oo "luntay".

Qaanta Soomaaliya looga leeyahay caalamka oo ah maalgelin la sameeyay kahor burburkii ayaa gaareysa 5.3 bilyan oo Doolar-ka Mareykanka, sidda laga soo xigtay Bangiga Aduunka iyo Hay'adda IMF.

Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa bishii hore ee Febraayo waxay iclaamisay in 100 dal ay balanqaadeen in ay maalgelin doonan deyn cafinta Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa mar sii horeysay lagu dhaliilay in ay "ujeedo siyaasadeed" u isticmaashay deyn cafinta iyo ciidanka, talaabadaas oo la sheegay in ay mugdi gelineyso doorashooyinka soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM