Jubaland oo ka hadashey shirka Muqdishu

Image

MUQDISHU: Maamulka Jubaland  oo ka mid ah maamul goboleedyada  ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go'aankii dowlada Somalia ee shirka wada-tashiga qaran (MWQ)  ee lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdishu ku qabtay afhayeenka maamulka Jubaland  Cabdinaasir Seeraar Maax  ayaa waxa uu sheegey in maamulkoodu  taageersan yahay qoraalka xukuumada Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid kasoo saartey Muqdisho ee ku saabsanaa  qaabka doorashada noqonayso sanadkan 2016.

“Maamulka Jubaland waxa uu soo dhowaynayaa  war murtiyeedkii Shirkii madasha wada tashiga qaran (MWQ)  ee ka dhacay  magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri  afhayeen Cabdinaasir Seeraar  Maax .

 Afhayeen Jubaland ayaa ugu danbayntii sheegey “ inkastoo aan weli wax la saxiixin oo wax  badani dhiman yihin haddana Jubaland waxay qaadatay go’aanka inta badan ee ay ku jirto beesha caalamka".       

 Shirka  wada-tashiga madaxda Somaliyeed ayaa waxaa ka soo baxay in tirada kuraasta baarlamanka Hoose ee dalka uu noqdo 275 laguna qabsado 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulo qaab  degaan iyadoo Somaliland iyo Punland yeelanayaan min 11 Xubnood halka  afarta Maamul Goboleed ee kale ay  qaadanayaan 8 xubnood.

 Puntland ayaa diidey go'aanka dowlada Federaalka kaasoo tageero ka heley beesha caalamka iyadoo madaxweyne Gaas iyo waftigiisa maanta dib ugu soo noqdeen magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM