Jubaland oo Kenya kala hadleysa xayiraada alaabta Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu dowlada Kenya kala hadlayo sidii ay u qaadi lahayd xayiraada ay kusoo rogtay alaabta ka timaadda Soomaaliya ee la marsiiyo xuduudka labada dal.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka 1aad maamulka Kismaayo, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dedaalada ay sameynayaa ay noqdaan kuwa mirodhal ah oo "guul kusoo idlaaday".

Mr Aadan ayaa wuxuu haatan ku sugan yahay caasimada dalka Geeska Afrika ku yaala ee Nairobi halkaasi oo uu tegay kadib socdaal saddex casho qaatay oo uu ku joogay magaaladda Ceel-waaq.

"Maalmahan waxaan halkan [Nairobi] u joognay sidii aan uga wadashaqeyn lahayn in agabyadii xuduudka isaga kala gudbi jiray oo dhibaato ka taagan tahay loo xalin lahaa, waxaana rajeynayaa in dowlada Kenya ay gacan naga siin-doonto," ayuu Sayid u sheegay Jubbaland Tv.

Talaabada maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe qaadayo ayaa imaaneysa iyadda oo xiisad diblumaasiyadeed ay ka dhex-aloolsan tahay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya dacwad hortaala Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ taasoo ay Kenya dooneyso in lasoo celiyo si qaab hoose loogu xaliyo xiisada balse Soomaaliya way ka biyo diiday.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka ku nool labada dhinac, xayiraada lagu soo rogay badeecadaha ka yimaada Soomaaliya ee xuduudka lasoo mariyo waxay taagan tahay sanado badan.

Tani ayaa sababtay in qiimaha nolosha ee degaanada ku teedsan xuduudka ee dhinaca Kenya ay sare u kac baahsan ku timaado, taasoo xukuumada Nairobi ay ku fashilantay in ay wax ka qabato.

Intii lagu guda jiray bishii Ramadaan, ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in ay burburiyeen ayna gubeen markii ay qabteen badeeco isugu jirta cunto iyo agabyo kale taasoo lagu qiimeeyay 55-kun oo dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM