Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Image
Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

KISMAAYO, Jubaland - Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 4-ruux oo looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan Maraakiibta ku sugan Biyaha Soomaaliya.

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan xeebeed u dhaw Kismaayo oo qiyaastii 70km dhanka koonfureed kaga beegan, Sabtidii.

Howlgalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli xeebaha Soomaaliya ay kusoo badanayaan weerarada shufta badeeda kuwaas oo beegsanaya maraakiibtw caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM