Jubaland oo shaacisay khasaaraha weerarkii saldhiga Bar Saguuni

Image

KISMAAYO, Somalia - Maamul goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii aroornimada Sabtida maanta ah lagu ekeeyay Saldhiga ciidamada xooga dalka iyo kuwa daraawiisha ee degaanka Baar Sanguuni.

Weerarka oo ay soo qaadeen tirro dagaalamayaal Al-Shabaab ayaa ku bilowday Labo qarax, kuwaasi oo mid kamid ah uu ka dhacay ilinka hore ee xerada ciidan, halka kan kale laga soo wariyay meel aanan sidaasi uga fogeen.

Gaari kale oo qarax siday, kaasi oo ay ciidamada ku qabteen inta udhaxaysay Sanguuni iyo Wiikoy ayay qarxiyeen saacado kadib markii ay gacanta ku dhinteen, sidda ay warsidaha GO u sheegeen saraakiil ciidan.

Ciidamada ayaa iska caabiyay duulaanka Shabaab, taasi oo ku qasabtay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida inay dib uruqaan-sadaan iyaga oo afka aadiyay dhanka buundada degaanka Araare.

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka taasoo kasoo duushay xero ciidan oo ku taala magaalada Kismaayo ayaa ka dabategtay xubnaha Al-Shabaab, oo la socday gaari nooca xamuulka qaado ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in diyaarada ay Gantaalo la dhacday gaariga, oo la tilmaamay inuu waday dagaalamayaal dhaawac ah, kuwa dhintay, iyo kuwa kasoo baxsaday weerarkii Saldhiga.

Sarreeye Guuto Aadan Goojaar, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in duqaynta ay ku geeryoodeen 52 xubnood, isaga oo intaas raaciyay in weerarka xerada ay ku naf-gooyeen 25 kale.

Tani ayaa ka dhigaysa wadar guuta in Al-Shabaab howlgalkii ay saaka ka fulin rabeen gobolka Jubada Hoose ay ku waysay 77 xubnood, inkasta oo dhankooda aanan laga haynin qirasho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dishay 41 kamid ah askarta maamulka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee Saldhiga ku sugnaa.

Illo madax banaan ayaa tirada dhimashada ciidamada dowladda gaarsiiyay illaa iyo 6 askari, halka dhaawaca uu yahay ku dhowad 10 kale, kuwaasi oo badankooda la dhigay Isbitaalada xarun goboleedka Jubbada Hoose.

Weerarkii saaka lagu qaaday Saldhiga degaanka Baar Sanguuni oo 50 KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili maamulka Axmed Madobe uu wado abaabul dagaal oo ku doonayo inuu ku qabsado gobolka Jubada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM