Jubaland oo shaacisay mowqifkeeda wadahadalkii Farmaajo iyo Uhuru

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa durba ka hadlay wadahadalkii dhanka telefoonka ee maanta ay ku yeesheen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad maamulkaas, ayaa "wax wanaagsan oo isu soo dhaweyn abuuraya" ku tilmaamay wada-xaajoodka.

Balse, wuxuu xusay in uu rajeynayo in aysan soo qaadin "arrimo quseeya" Jubaland, khilaafka kala dhaxeeya madaxda Villa Soomaaliya iyo dhacdooyinkii laga soo wariyey gobolka Gedo.

"Kenya iyo Soomaaliya waxa ka dhaxeeya Jubaland ma quseeyaan, wixii Kenya kawada dhaxeeyana way kawada hadlayaan in ay wada hadlaan way wanaagsan tahay," ayuu u sheegay VOA-da.

Wuxuu ku daray: "Jubaland waxay kamid tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya…dowladaha xubnaha ka ah ayay kamid tahay, shuruuc iyo xeer lagu dhisay, dastuurka dalka uu farayo…khilaafka ka dhaxeeya hogaanka dowlada iyo Jubaland hab looga wada hadlo ayay leedahay, ma ahan in loo marayo hab ciidan iyo in kheyraadka dadka lagu laayo".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Maxamuud ayaa si cad u sheegay in wadahadalka labada hogaamiye "uusan xal u keeni karin" is-mari-waaga Nabad iyo Nolol iyo maamulka Axmed Madoobe.

"Marka, haddey wadahadleen [Farmaajo iyo Uhuru] wax arrintaas ka quseeyo Jubaland ma jirto, waa arrin qaas u ah Soomaaliya iyo Kenya. Laakiin, dhibaatada ka jirta Jubaland wuxuu kala dhaxeeyaa hogaanka iyo hay’addaha fulinta ee Soomaaliya…marka arrintaas [wadahadalka] ma ahan mid xal u noqoneysa…Soomaaliya xalkeeda Soomaaliya ayay u taalaan," ayuu kusoo xiray.

Dowladda Farmaajo oo diidey in ay aqoonsato maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in ay damacsan tahay maamul "sharci darro ah" oo ay ka hirgeliso Gedo, halkaasoo ciidamo ay geysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM