Jubaland oo sheegtay inuu isku soo dhiibeen xubno AS ah

Image
Xubnaha soo goostay ayaa la sheegay inuu ku jiro horjooge sarre oo ka tirsan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha Soomaalida ee ku sugan Jubaland ayaa sheegay in afar ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka ee ku sugan magaalada Buulo Xaaji oo todobaadkii hore laga qabsaday maleeshiyada.

Maleeshiyada isa soo dhiibtay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa maaliyadda iyo sirdoonka iyo sidoo kale amiirkii deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Isniintii booqday Buulo Xaaji wuxuuna wacad ku maray in ciidamada dowlada aysan dib usoo laaban doonin.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waajid ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in Ibraahim Sheekh Aadan oo 16-sano ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay maamulka deegaanka, isaga iyo qorigii uu watay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM