Jubaland oo soo afjartay colaad u dhaxeysay beelo ku diriray Luuq

Image
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in AS ay isku dirayso beelaha isla markana isku gurmashada beelaha dagaalamay ay qeyb weyn ka ahaayeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida kusoo xiray shirkweynaha dib u heshiisinta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado.

Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta Dowladda ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday iyagoo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyooyinka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin.

Maxkamaddaha iyo hay’adaha Cadaaladda ayuu sheegay in ay gudan doonan shaqadooda isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan loo baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii dhaqangal uu u noqon lahaa heshiiska maanta la gaaray Dowladduna ay ka go’antahay in mar danbe ayna soo laaban colaadaha noocan oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Khawaariijtu ay isku dirayso beelaha isla markana isku gurmashada beelaha dagaalamay ay qeyb weyn ka ahaayeen.

Waxaa Madaxweynahu uu ka digay in xukun loo doonto Khawaariijta oo markii horaba hurinayay inay dadka walaalaha ah is dilaan.

Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaarada arrimaha gudaha, Federaaleynta iyo dib u heshiisinta Jubaland ayaa waxaa ka qeygalay Gudoomiyaha Baarlaamanka Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan, Madaxweyne ku xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaano iyo wasiiro katirsan XFS, qaar kamid ah masuuliyiinta goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay.

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM