Jubaland oo soo bandhigtay ciidamo ay u diyaarisay la dagaalanka AS

Image
Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa la filayaa in ay ka qeyb-qaataan ciidamaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga tababarka Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Akadeemiyo guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan Ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib tirayo Khawaariijta.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta Dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM