Ciidamada sugaya amniga doorashadda J/land oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo Talaado ah qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.

Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira, oo fahfaahin ka bixiyey qodobada kulankooda xooga lagu saarey.

Mr Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyaha ayaa intaasi ku daray ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna afgartay in Hay'adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga doorashada.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka.

Madeira ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland, wuxuu sheegay in ay sidii hore ay u howlgeli doonan.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

Arrimahaan ayaa kusoo imaanaya xili Jubbaland ay kusoo food-leedahay doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyadda, taasi oo ay si wayn isha ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM