​Jubbaland oo bilowday howlgal ka dhan ah Al Shabaab [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ayaa lawareegey deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada kismaayo qiyaas ahaana ujira 60KM.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saldhig wayn u ahaa maleeshiyaadka Alshabaab oo muddooyinkii dambe halkaasi gacanta ku hayay.

 Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa Tuuladaas si nabad galyo ah kula wareegey kadib markii ay Alshabaab isaga bexeen , ayadoo halkaasi ay dadka deegaanku sidiiran ugu soo dhaweeyeen Ciidamada.

 Ciidamada la wareegay deegaanka Ceel Biroole, ayaa sidoo kale deeq raashin ah gaarsiiyey shacabka halkaasi ku dhaqnaa kuwasoo la sheegay inay muddooyinkii dambe go'doonsanaayeen.

Lawareegida gacan kuhaynta deegaanka Cabdalla Biroole ayaa bilow u ah hawlgalka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u ballan qaadey inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabayaan hawlgalkan ayaa dhalinyarada wali aaminsan mowqifka Shabaab ugu baaqey inay isaga soo baxaan intaan gacanta lagu dhigin isagoo u ballan qaaday in cafis loo samayn doono qof kasta oo kooxdaasi kasoo baxa.

Arbacadii lasoo dhafaayay ayay ahayd markii ay 3 kamid ahaa maleeshiyada Alshabaab isu soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ayagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen Alshabaab kuwaas oo kismaayo lagu soo dhaweeyey laguna xareeyey xarunta dhaqan celinta dhalinta la habaabiyey ee kasoo xaroota nabadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM