Jubbaland oo bogaadisay go'aankii Aqalka Sarre ee doorashooyinka

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa bogaadiyey go'aankii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sarre ee xeerinayey shir ay maamuladda, dowladda federaalka iyo saamileyda ka yeeshaan doorashooyinka 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeay mowqifka maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Senate-ka Soomaaliya ayaa adkeeyay in shirkaas uu dhaco kahor 25-ka June, 2020 "si loo helo hanaan la isla ogol-yahay oo lagu galo" doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee dhamaadka sanadkan aynu haatan ku jirno".

Baaqaas waxaa soo dhaweeyay maamul goboleedyo ay Puntland ugu horeysay, wallow ay shuruud kaga dhigtay in wadahadalkaas uu dhaco 20-ka June isla markaana uusan dhaafin 27-da bisha June ee isla sanadkan 2020.

Dhanka kale, warka qoraal ah ayaa lagu soo dhaweeya dhawaqii ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee u aadanaa in la helo doorasho la isla ogol-yahay oo ay taladeedu u dhan yihiin madaxda dowladda, maamulada iyo siyaasiyiinta.

Siyaasiyiinta soo dhaweeyay hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa ku baaqay in la dhaqan-geliyo, talaabadaas oo aysan wali muuqan marka laga reebo shirar qoraalada kasoo baxa "aanan hadal-dhaafsiisaneyn".

Ugu dambeyntii, maamulka Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dhamaan maamul goboleedyadda dalka in ay ka qeyb-qaataan xasiloonida iyo midnimada dalka. Sidoo kale, beesha caalamka ayuu uga mahadceliyey taageeradooda.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM