Jubbaland oo ka hadashay eedeymaha Qadar ee warbixintii NYT

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa wuxuu "ayiday" warbixintii shabakada New York Times ee ku eedeysay dowladda Qadar in ay ku lug-lahayd qarax ka dhacay Boosaaso.

Weerarkaasi oo lasoo wariyay bishii May isla markaana dhaawacay in ka badan Sideed ruux ayaa waxaa sheegatay mas'uuliyadiisa Daacishta Soomaaliya.

Xukuumaddaha Dooxa iyo Muqdisho oo qashinka ku daray maqaalkaasi ayaa xusay in shaqsiga lasoo xigtay ee la tilmaamay in uu ku dhow yahay Amiirka Qadar uu yahay "ruux aanan jirin".

Bayaanka maamulka Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay difaaceyso "dowladdo shisheeye oo xasuuq iyo burbur u geystay Umadda Soomaaliyeed".

Hadalkan ayaa imaanaya iyadda oo Puntland ay codsatay in baaritaan lagu sameeyo warbixinta, ayna shaacisay in ay soo bandhigeyso baaritaan gaar ah oo ay ku sameysay dilka maareeyihii shirkada P&O Ports ee Boosaaso.

Geesta kale, war-saxaafadeedka ayaa "waraaqado dastuurka baalmarsan" ku sifeeyay qoraalo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka oo ay ku naqdiday odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland.

Maamulka Axmed Madoobe oo ku adkeysanaya in uu sugan karo amniga doorashooyinka dowlad goboleedkaasi ee loo balansan yahay bisha dambe ayaa ka digay shirar lagu khal-khal gelinayo ammaanka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, shacabka iyo caalamka oo uu ka codsaday in ay si dhow ula socdaan xaaladaha Jubbaland ayaa waxaa lagu xusay bayaanka in wixii "cawaaqib xumo ah" ay mas'uuliyadeeda qaadeyso xukuumada.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM