Jubbaland oo "qabatay" saddex Tanzanian Al-Shabaab ah

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamada ammaanka magaaladda Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose ayaa waxay "gacanta ku dhigeen" rag ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Xubnahaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex ayaa la tilmaamay in ay kasoo jeedan waddanka Tanzania ee qaaradda Afrika.

Maamulka Jubbaland oo shaaciyey in shaqsiyaadkan lagu soo qabtay howlgal ayaa nan soo bandhigin talaabadda xigta.

Horey degaanadda Jubbaland ayaa waxaa lagu xiray xubno kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo aanan wali maxkamad lasoo taagin.

Si lamid ah waxaa intaasi wehlisa in ay jiraan dagaalameyaal isa soo dhiibay, kuwaasi oo qaarkood loosoo duuliyey magaaladda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa maamusha qaybo kamid ah Jubbaland oo ay ku jirto caasimada dowlad goboleedkaasi ee Bu'aalle oo hoostagta gobolka Jubadda Dhexe.

Ajaaniibta ka barbar-dagaalanta kooxdan oo kasoo kala jeeda wadamo kala gedisan ayaa la sheegaa in ay ku dhuumaaleystaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xoogagan oo 2012-dii laga saarey magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ahna xarunta ku meel gaarka Jubbaland, ayaa bartamihii bishan ka geystay halkaasi weerar ay ku naf-waayeen in ka baddan 30 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM