Jubbaland oo qabatay "shaqsigii abaabulay" weerarkii Cascasey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Lamaaha amniga Jubbaland ayaa nolosha ku haya shaqsi aysan magaciisa soo bandhigin, oo lala xiriirinayo in uu abaabulay weerarkii 12-kii July lagu qaadey huteelka Cascasey ee Kismaayo.

Ibraahim Maxamed Yuusuf [Jimo Jilic], duqa caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa shaaciyey in ruuxan laga soo dhex-qabtay gudaha magaaladda, isla markaana macluumaadyo badan uu bixiyey.

Xogaha uu dusiyey ninkan ayaa waxaa kamid ah in gaariga loo adeegsaday qaraxa lagu dhex-farsameeyay gudaha magaaladda, lagana iibiyey ruux kale, wallow aysan hay’addaha amniga soo bandhigin aqoonsigiisa.

"Ma rabo in aan ka horudhoco baaritaanka, balse waa ay socotaa, waana lasoo bandhigi doonaa," ayuu Timo Jilac u sheegay barnaamijka Galka Baarista, laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Inta la xaqiijiyey 26 qof oo isugu jira rag iyo dumar ah ayna kamid ahaayeen Soomaali haysatay dhalashadda wadamo kale kuwaasi oo qaarkood caan ahaa ayaa ku naf-waayey masiibadaasi ay Al-Shabaab sheegatay.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in kadib qaraxaasi wax badan laga bedelay amniga magaaladda, isla markaana awaamiir cusub lagu soo rogay huteeladda.

Amarada ayaa waxaa kamid ah in ay u ogolaadan mas'uuliyiinta dowlad goboleedka in ay ciidamadooda gudaha ula geli karaan ilaaladooda, taasi oo aanan horey u jirin.

"Hadii weerarkii Cascasey ilaalada madaxda gudaha ku jiri lahaayeen, iska hor-imaad badan ma dhaceen, haddana arrintaasi ayaan soo rognay, sidoo kale waxaan adkeynaya amniga wadooyinka huteeladda," ayuu raaciyey duqa.

Huteelka Cascasey oo maalmo kahor inta aan la weerarin xariga laga jaray markii dib u dayactir lagu sameeyay ayaa waxa uu hoy u yahay mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM