Jubbaland oo si adag uga jawaabtey shuruudihii xukuumada federaalka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Kadib shuruudo shan ah oo ay xukuumadda federaalka kusoo rogtay doorashooyinka Jubbaland, ayaa waxaa si adag uga jawaabey maamul goboleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Shuruudaha waxaa ku jira dowladda ay meel-marineyso odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda cusub iyo madasha ay ka qabsoomeyso ay noqoto Akadeemiyada Bileyska ama Xarunta UN-ka ee Kismaayo. [Halkan ka akhriso]

Balse maamulka Axmed Madoobe oo ganafka ku dhuftay qobadaasi ayaa tilmaamay in uusan jirin door wasaaradda arrimaha gudaha ama xukuumada kaga banaan qabshada doorashooyinka maamulkaasi.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa mas'uul ka ah geedi u socodka, soo xulista Xildhibaanada iyo madasha.

Bayaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka Soomaaliya in ay gacmaha "kala baxdo" arrimaha doorashadda dowlad goboleedka Jubbaland.

Si lamid ah, beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa laga codsadey, sidda ku cad warka qoraalka ah, in ay si dhow ula socdaan doorashooyinka Jubbaland iyo talaabooyinka xukuumadda.

Cod-bixinta Jubbaland oo si weyn isha loogu hayo ayaa loo muddeeyay coddeynta madaxweynaha 24-ka bisha Agoosto xili ay haatan socoto soo xulista mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda.

WAR-SAXAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM