Jubbaland oo u gaarsaneysa "dhagar-qabeyayaal" dhaawacay qareen

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dabley ayaa lagu waramayaa in xalay magaaladda Kismaayo, caasimada ku meel gaarka Jubbaland, ay habeenimadii Jimcada, 13-ka September 2019, ay ku dhaawacmeen qareen caan ah.

Axmed Jaamac Qalyar oo wararku sheegayan in dhowr rasaas ay ka haleeshay qeybaha sarre ee jirkiisa ayaa la dhigay isbitaal, halkaasi oo la sheegayo in xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Saraakiisha caafimaadka oo tibaaxay in dhaawaca uu yahay "mid khatar ah" ayaa waxay u rajeeyeen soo kabasho degdeg ah.

Qalyar ayaa sidoo kale wuxuu ahaa gudoomiyaha Golaha Isbedel Doonka Jubbaland, ee kasoo horjeeda madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Wasaarada Amniga maamulka Kismaayo oo shaaqada ka qaadey in xaaladda mas’uulkan ay soo wanaagsanaaneyso ayaa qeexay in ay ku raad-joogto "dhagar-qabeyaashii" falka ka dambeeyay.

"Suurtogal ma ahan in ay magaalada ka dhacan ficilada noocaan ah. Ciidamadda amniga waxay dabagal ku wadaan dhagar-qabeyaasha. Waana lasoo qaban doonaa," ayuu yiri Cabdinuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka wasaaradda.

Sikastaba, ammaanka degaanada Jubbaland ayaa sarre loo qaadey kadib coddeyntii ugu dambeysay, waxaana mas'uuliyiinta ay xuseen "in cid kasta oo khal-khal gelisa aanan loo dulqaadan doonin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM