Jubbaland oo war kasoo saartay weerarkii Saldhiga Sanguuni

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa war uu kasoo saarey weerar ku bilowday qarax gaari oo ka dhacay afaafka Saldhiga degaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, saaka oo Isniin ah.

Mukhtaar Maxamed Axmed, oo kamid ah saraakiisha ku sugneyd Saldhiga la weeraray, ee ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa u sheegay warbaahinta in dhankooda weerarkaan looga dilay ku dhawaad 10 askari.

Wuxuu tilmaamay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday oo ku sheegay tiradooda illaa Afar oo uu ku jiro midkii saarnaa gaari qarxay oo uu tilmaamay inay burburiyeen kahor inta uusan Saldhiga soo gaarin, ay toogneed saddexda kale.

“Waxaan kuu sheegi karaan in Tobban kamid ah Askarta ciidamada Jubbaland lagu dilay weerarka. Halka kuwa weerarka soo qaaday oo gaaraya afar oo uu ku jiro ninkii baabuurta qarxay saarnaa, aan tooganay,” ayuu yiri Axmed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay jiraan dhaawacyo soo gaarey dhanka ciidamadda Jubbaland, kuwaasoo uusan shaacin tiradooda, laakiin uu tibaaxay in loo qaaday Isbitaalada Kismaayo.

“Haa, askarta dhimatay qaarkood waxay ku dhinteen dagaal toos ah oo dhex-maray Dableyda weerarka soo qaadan, iyo ciidamada Jubbaland, khasaaraha waxaa sababay Qori wayn oo ay kusoo tuureen ciidamo badan oo hal meel wadajoogay, ka hor inta aan la qarxin baabuurka xamuulka ah,” ayuu ku daray.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaan, waxay daboolka ka qaadeen inay ku dileen 27 kamid ah Askarta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay usuuragashay inay gudaha u galaan Saldhiga.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu hadda jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya magacaabista hogaan cusub oo lo magacaabay ciidamada DF ee degaanadda Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM