Kaalinta Farmaajo iyo sii deynta Gudoomiyaha Xamarwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Xamarwayne, Cumar Shariif Maye[Jeeg] ayaa maanta dib ugu laabtay shaqadiisa kadib markii uu dib uhelay shalay oo Sabti ahayd xorriyadiisa, maadaama uu maalmo ku xirnaa xarunta CID-da.

Macluumaad uu Warsidaha Garowe Online ka helay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in sii dayntiisa ay timid kadib markii uu Madaxwayne Farmaajo uu soo farageliyay kiiskiisa, kadibna amray in xabsiga laga sii daayo mas'uulkan.

Cumar Jeeg ayaa marka hore loo xiray kadib eedaymo uu ujeediyay madaxda dowladda oo ah inay si musuq-maasuq ah ku doonayaan inay ku dhiibaan dhul ku yaala degmada Xamar-wayne e gobolka Banaadir.

Dhulka oo ay leedahay dowladda Talyaaniga ayaa ah Kaniisadda ku taala degmada Xamarwayne, waxaana socday qorshe la doonayey in dacwad loogu soo oogo Gudoomiyaha Xamarwayne, taasoo uu ka hor-tegay Farmaajo.

Gudoomiyaha degmada Xamarwayne waxaa dhalay Shariif Jeeg oo ah Fanaan caan ku ah Heesaha Banaadiriga, kaasoo utegay Farmaajo tiro labo jeer ah kahor inta aanan lasoo daynin wiilkiisa.

Kadib sii dayntiisa, Gudoomiye Cumar oo hadlay wuxuu umahad-celiyay Madaxwaynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaare Khayre, isaga oo wacad ku maray inuu xoojin doono dagaalka uu kula jiro dad uu ku sifeeyay “caado qaatayaal”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM