Kaalinta Farmaajo iyo sii deynta Gudoomiyaha Xamarwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Xamarwayne, Cumar Shariif Maye[Jeeg] ayaa maanta dib ugu laabtay shaqadiisa kadib markii uu dib uhelay shalay oo Sabti ahayd xorriyadiisa, maadaama uu maalmo ku xirnaa xarunta CID-da.

Macluumaad uu Warsidaha Garowe Online ka helay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in sii dayntiisa ay timid kadib markii uu Madaxwayne Farmaajo uu soo farageliyay kiiskiisa, kadibna amray in xabsiga laga sii daayo mas'uulkan.

Cumar Jeeg ayaa marka hore loo xiray kadib eedaymo uu ujeediyay madaxda dowladda oo ah inay si musuq-maasuq ah ku doonayaan inay ku dhiibaan dhul ku yaala degmada Xamar-wayne e gobolka Banaadir.

Dhulka oo ay leedahay dowladda Talyaaniga ayaa ah Kaniisadda ku taala degmada Xamarwayne, waxaana socday qorshe la doonayey in dacwad loogu soo oogo Gudoomiyaha Xamarwayne, taasoo uu ka hor-tegay Farmaajo.

Gudoomiyaha degmada Xamarwayne waxaa dhalay Shariif Jeeg oo ah Fanaan caan ku ah Heesaha Banaadiriga, kaasoo utegay Farmaajo tiro labo jeer ah kahor inta aanan lasoo daynin wiilkiisa.

Kadib sii dayntiisa, Gudoomiye Cumar oo hadlay wuxuu umahad-celiyay Madaxwaynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaare Khayre, isaga oo wacad ku maray inuu xoojin doono dagaalka uu kula jiro dad uu ku sifeeyay “caado qaatayaal”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM