​Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey oo Muqdishu tagay

Image

MUQDISHU- Kaaliyaha Xoghayaha  guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca siyaasadda jeffrey feltman un, ayaa maanta gaaray magalada Muqdishu xarunta Somalia, wuxuuna kulan albaabadu u xirnaa la qaatay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

Shirka labada mas'uul ayaa ujeedkiisa lagu sheegay qaabkii Qaramada Miboobey taageero dhinaca siyaasadda ah u siin lahayd dowladda Federaalka Somalia, waxayna sidoo kale isla soo hadal qaadeen arrinta Somalia iyo qaabkii looga gudbi lahaa caqabadaha jira. 

Kulanka kadib majirin cid si rasmi ah ula hadashay warfidiyeenka, kuwaasoo kawarbixiyay waxyaabaha labada mas'uul isku afgarteen. 

Booqashada sarkaalkan ayaaa imanaysa iyadoo dowlada Somalia oo kaashanaysa maamul gobleedyada dalka ka jira go’aan ku gaareen in doorashada soo socota gaar ahaan soo xulista Barlamanka lagu saleeyo 4.5, halka Aqalka sarena maamulladu si siman u qaybsan doonaan marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo saddex xubnood loogu daray. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM