Kadib 41 sano, Duulimaadkii Muqdisho iyo Addis Ababa oo billaabanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadkii ugu horeeyay oo isku xirayo Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa 41 sano kadib dib loo billaabayaa todobaadka soo socda.

Diyaaradda National Airways oo laga leeyahay Ethiopia ayaa kusoo dagi doonto maalmo kadib garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde, iyadoo rakaab kasoo qaadeysa Addis Ababa.

National Airways, oo horey loo oran jiray Air Ethiopia, islamarkaana fadhigeedu yahay ayaa todobaadkii saddex duulimaad ka dhex sameyn doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana tallaabadan ay fududeynaysaa isku socodka.

Xuseen Xoosh, oo ah maamulka National Airways xafiiskeeda Muqdisho ayaa sheegay in dib u billaabida duulimaadka tooska ah ay ka dambeysay codsi ganacsato Soomaali ah u gudbiyeen dowladda Ethiopia.

National Airways ayaa dhawaan ka billowday Puntland dulimaadka Addis Ababa iyo magaalada Garoowe, halkaasi oo uu ka jiro dalab aad u sareeya, oo baahi badan loo qabey adeeggan duulimaad.

Shirkaddan National Airways, oo la aas-aasay November 2007 ayaa waxay ka howlgashaa Boosaaso, Garoowe, Muqdisho, Hargeysa, Dubai iyo Salalah, waxaana ay leedahay 11 diyaaradood oo u shaqeeya hadda.

Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii Addis Ababa kadib dagaalkii 1977, xilligaasi oo labada dal uu dhexmaray dagaal taariikhda galay, oo ku saabsanaa dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Hadda dadka doonaya inay u safraan waqooyiga America ama Yurub waxay ku tiirsan yihiin Diyaaradda Turkish Airlines, oo duulimaad toos ah ku tagta Muqdisho todobaadkii labo jeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM