Hogaanka Ahlu Sunna oo dalab hordhigay xukuumada federaalka

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Is-maandhaaf ayaa lagu waramayaa in uu soo kala dhex-galay hogaanka Ahlu Sunna iyo xukuumadda federaalka ah.

Kala aragti duwanaanshiyaha ayaa salka ku haysa ciidamo dheeraad ah oo dowladda ay ku daabuleyso magaaladda caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Wararka ayaa tilmaamaya in hogaanka maamulkaasi ay dalbadeen in Laanta Fulinta dalka ay joojiso ciidamada ay geyneyso xarunta Galmudug.

Codsiga hogaanka Ahlu Sunna ayaa la rumeysan yahay in uu daaran yahay cabsi ay ka qabaan in ay lumiyaan saameyntooda siyaasadeed.

Arrimaha la isku hayo ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay mushahar aan wali la siin ciidamo ka badan 170 oo dhowaan loo diiwaan-geliyay Ahlu Sunna.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo si kooban uga fal-celiyay arrintaan ayaa waxay talaabadaasi ku fasireen "cilado farsamo".

Balse fahfaahino kale ayaa tibaaxaya in sababta keentay in gunooyinka aan la siin ciidanka ay tahay Ahlu Sunna oo dooneysa in loo aqoonsado askar badan.

Hasa ahaayee, saraakiil u hadashay maamulka Ahlu Sunna ayaa waxay meesha ka saareen in ay ka baxeen heshiisyadii ay la galeen xukuumadda Muqdisho.

Saacado hore oo Sabtida maanta ah ciidamo ka amar qaata Ahlu Sunna ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, talaabadaasi oo ay uga hortegayaan in ciidamo ka socda federaalka ay soo degaan.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ku sugan Dhuusamareeb, halkaasi oo la soo sheegayo in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana ay socdaan kulamo xal loogu raadinayo kala aragti-duwanaashiyaha.

Tani ayaa imaaneysa iyadda oo la rajeynayo in Dhuusamareeb ay martigeliso Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug kahor doorashadda guud ee maamulkaasi oo dib uga dhacday bishan oo dastuurka dhigayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM