Keating iyo Wafdi ka socda DF oo gaarey Galkacayo [Ujeedka]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa saaka gaarey magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug, siday Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Maamulka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo saraakiil ciidan ayaa Gaalkacyo kusoo dhaweeyay wafdiga Ketaing oo uu ku jiro Taliyaha ciidamadda Booliska, Janaraal Cabdi Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed iyo xubno ka socda dowladda 

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa wuxuu yahay inay kormeer ku sameeyeen xeryaha ciidamadda isku dhafka ah ee ka kala socda Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo loo sameeyay sugida Nabad-galyada guud ahaan caasimada goboleedka Mudug.

Inta ay ku sugan yihiin Galkacayo ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan ay la yeesheen masuuliyiinta heer gobolka iyo heer degmo, iyagoo kala hadli doono xaaladihii ugu dambeeyay ka jira guud ahaan gobolka, gaara ahaan Magaalada Galkacayo.

Safarka Keating iyo Taliye Bashiir ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan magaaladda ay ka dhaceen dilal, kuwaasoo la sheegay inay la xiriiraan anooyin Qabiil, lamana ogga hadii ay soo dedejisay safarka Wafdiga arrintaas.

Magaaladda Galkacayo ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacan ku haynteeda isku hayay maamulada Puntland iyo Galmudug, inkastoo hadda xal waara laga gaaray, kadib wadahadalo ay gar-wadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM