Keating oo ka hadlay mustaqalkiisa xafiiska QM ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee Micheal Keating ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in mudada xileedkiisa xafiiska UN-ka ee dalka uu yahay gabaabsi, islamarkaana uu dhowaan xilka wareejino.

Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Keating lagu bedalay Nicholas Haysom, oo kasoo jeeda South Africa ah, balse haysta, islamarkaana Qaramadda Midoobay wakiil uga soo noqday dalal ay Suudaanta Koonfureed kamid tahay.

Mudada xileedka Keating ee dalka ayaa ku eg bisha dambe ee November, isaga oo carabka ku dhuftay in ka qaybgalkiisa shirka Kismaayo uga socday madaxda maamul goboleedyadda uu yahay mid uu ku mac-salaamaynayo hogaamiyaasha siyaasadda dalka.

Madaxda dowlad Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu shaaca ka qaaday Keating inay aad uga war-qabaan ka qaybgalkiisa shirkaan xasaasiga ah, kaasoo furitaanka lagu weeraray, inkasta oo uusan soo hadal-qaadin hadii uu ka haysto ogolaansho buuxda.

"Caadiyan shirarka noocaan ah kama soo qayb-geli jirin, laakiin kani waa mid Sagootin, sababtoo ah inaan xilka banaanayo dhowaan," ayuu Keating ku sheegay wareysi uu siiyay Telafishinka ku hadla afka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Shirka Kismaayo uga socda madaxda maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay kii saddexaad, waxaana la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed ay ku cad-yihiin dhamaan qodobadda ay isku raaceen madaxda inta uu kulanku socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM