Keating oo kulan gaar ah Kismaayo kula yeeshay madaxda maamullada

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ee Micheal Keating ayaa socdaal deg deg ah oo aanan horey loo shaacin ku tegay magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarka uu Keating ku tegay halkaasi ayaa imaanaya xili uu maanta ka furmay magaalada Kismayo shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, kaasoo qodobo xasaasi ah looga hadli doono mudada uu socda.

Shirkaan ayaa qodobadda looga hadlayo waxaa qayb ka ah; amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka sii xumaanaya ee maamuladda qaarkood kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo heerkii ugu hooseeyay hadda maraya.

Keating ayaa kulan la yeeshay madaxda maamul goboleedyadda kahor shirka Gollaha Iskaashiga, wuxuuna kala hadlay Ajandayaasha lagu gorfaynayo kulankooda, iyo xiriir xumo kala dhaxeysa madaxda qaar dowlada Federaalka.

Illo xog ogaal ah oo kulanka aad ugu dhow ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qodobadda laysla soo qaaday ay kamid yihiin xiriirka maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe, kaasoo hoos u dhac uu ku yimid mudooyinkii ugu dambeeyay.

Dhamaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda kala ah; Puntland, Jubbaland, HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dib uga soo biiray Wafdiga madaxweyniyaasha maamul goboleedyadda ayaa xaadir ku ahaa shirka ay Keating la qaateen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay suuragal ay tahay in shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda uu ka qaybgalo Micheal Keating, inkastoo wali aanan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyadda ku lugta leh shir madaxeedkaan.

Dowladda Federaalka ayaan wali ka hadlin shirka Kismaayo ku yeelanayaa madaxda maamuladda, iyadoo aysan horeyba uga hadal kuwii hore, laakiin waxaa lafahansan yahay inay sheeda sare kala socon doonta dhaqdhaqaaqyada shirka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 01:15PM

Khilaaf Siyaasadeed oo ka Dhex Qarxay Xafiisyada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warar la helayo ayaa sheegaya in kooxo siyaasadeed oo uu horkacayo Taliyihii hore…

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 12:55PM